1098 Views

Nin mindi ku hubeysan oo goor dhawayd weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska dalka Faransiiska.

Nin mindi ku hubeysan oo goor dhawayd  weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska dalka Faransiiska.
____________________________________________________________________________


Isniin: November 8, 2021

Nin mindi ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Cannes ee koonfurta dalka Faransiiska.

Mid ka mid ah booliska ayaa toogtay ninka weerarka geystay, kaasoo xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato, isla-markaana uu haatan ku jiro Isbitaalka.

Saddexda askari ee booliska ah ayaan waxba soo gaarin. Booliska Faransiiska ayaa baaraya in ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu u dhashay Algeria uu weerarkiisa la xiriiro arrimo diimeed iyo in kale.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Gerald Darmanin oo la hadlayay warfidiyeenka, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay aysan ka warqabin mas’uuliyiinta.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post