3771 Views

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo ganacsatada Qaadka u oggolaatay in ay la xaajoodaan Somaliland

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo ganacsatada Qaadka u oggolaatay in ay la xaajoodaan Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 07, 2018 –Ururka ay ku mideysanyihiin Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Dalkooda ay ka heleen oggolaansho ah in ay arrimaha suuqa qaadka kala hadli karaan Maamulka Somaliland.

Sidoo kale wasaaaradda ayaa maamulka Gobolka Meru ee uu Qaadka ka boxo mas’uuliyiintiisa u fasaxday in ay xiriir dhinaca ganacsiga ah iyo suuq u raadinta qaadka ah la yeelan karaan Somaliland.

Kimathi Munjuri, oo ah afhayeenka Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya ayaa sheegay in Agaasimaha laanta dhaqaalaha Wasaaaradda arrimaha dibadda Kenya  uu ka oggolaaday soona dhaweeyay warqad ay ku codsanayeen in loo fasaxo in ay xiriir Ganacsi la yeelan karaan Somaliland.

Ururka Ganacsatada Kenya ayaa doonaya in ay suuq cusub ka helaan Maamulka Somaliland iyada oo qiimaha canshuurta laga qaadanaya doonaya in hoos loo dhigo.

Somaliland ayaa Halkii  kilo ee Qaadka ah ee ka gala dhinaca Itoobiya Canshuurta $3 doollar oo kaliya halka midka Kenya ay canshuurto $20 Doollar,taas oo ay Ganacsatada aad uga cabanayaan,qasabtayna in qaadka Kenya ee Dhinaca Maamulka Somaliland uu hakad galo.

Warbixin ay soo saareen Ganacsatada ayey ku sheegeen in 4 Tan oo qaad ah ay maalinkii geyn jireen Hargeysa halka labo Tana ay Laasacaanood geyn jireen,laakiin markii ay arkeen qiimaha canshuurta ee qaadka Itoobiya iyo kan Kenya ay ku adkaatay in ay sii wadaan dhoofka qaadka ee degaannada Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Meru Peter Munya,ayaa sanadkii 2016kii isku dayay in uu si madaxbanaan u galo arrintaas,waxaase ay dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo kala dhexgalay Kenya iyo Somaliya,waxaana ay sababtay in Qaadka Kenya laga joojiyo Soomaaliya oo dhan,iyada oo markii dambe heshiis laga gaaray kaddib markii Peter Munya, loo sheegay in uu faraha la galay howl aan tiisa ahayn.

Ganacsatada Qaadka Keynya waxaa kale oo ay hadda doonayaan in ay suuq ka helaan Dalka Jabuuti,halkaas oo ay hadda qaad la’aan ka jirto kaddib markii Qaadkii ka gali jiray Itoobiya uu saameeyay Kacdoonka Oromada,waxaana ay hadda ku tiirsanyihiin qaad ka gala dhinaca Gobolka Ticis ee Dalka Yemen

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

————————————————————————–

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment