729 Views

Taliye ku xigeenkii ciidanka PSF oo usoo goostay dhanka Deni iyo wararkii ugu dambeeyey

Taliye ku xigeenkii ciidanka PSF oo usoo goostay dhanka Deni iyo wararkii ugu dambeeyey
____________________________________________________________________________

Isniin: December 6, 2021

 

Taliye ku xigeenkii guud ee Ciidanka PSF ee Puntland G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Ilig ayaa wuxuu ku biiray ciidamada maamulka Puntland ee uu hoggaaoiyo Saciid Deni.

Ilig oo ay wehliyeen ciidamo badan oo kamid ah ciidankan sidda gaarka ah u tababaran ayaa bishii hore sheegey in ay sharciga baalmarsantahay xilka qaadista lagu sameeyay hoggaanka PSF.

Agaasimaha hay’adda PSF uu dhawaan u Magacaabay Madaxweynaha Puntland ee aan xilka lagu wareejin S/ Guuto Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska cusub ee Ciidanka PSF kusoo dhaweeyay G/sare Cabdiraxmaan.

Agaasime ku-xigeenka Hay’adda PSF ayaa wada-hadallo sababtay in uu usoo wareego waxaa uu la galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Maamulka Puntland.

Sidoo kale, Agaasimaha PSF oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada culus iyo saraakiil ka tirsan ciidanka PSF iyo Daraawishta ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF.

Sida wararka la helayo sheegayaan, waxaa jira ciidamo ka baxaya xarunta PSF ee Boosaaso halkaas oo uu ku sugan yahay Agaasimaha xilka laga qaadey ee hay’adda.

Dhanka kale, Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo dheeraad ah ku daadisay wadooyinka waaweyn ee Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladda.

Boosaaso oo ah mgaalo ganacsi ayaa laga dareemay cabsi dagaal kadib markii Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey ay kasoo baxeen Galgala kadibna ay magaaladda soo galeen.

 By Saalax Saciid Sabriye 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post