804 Views

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qarax Ciidamada Dowlada lagula eegtay duleedka Dhuusamareeb..

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qarax Ciidamada Dowlada lagula eegtay duleedka Dhuusamareeb..
____________________________________________________________________________

Wararka aan ka helayno degaanka Sina-dhaqo ee duleedka Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya Qarax Miino lagula eegtay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan qaraxaasi.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa Jugtiisa laga maqalay degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan degaanada ku xeeran degaanka Qaraxu ka dhacay ee Sino-dhaqo.

Ciidanka Dowladda oo Kolanyo gaadiid ah watay ayaa la sheegay in Qaraxaasi waddada loogu aasay, waxaana kasoo gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo dadka degaanka ay soo sheegayaan khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyadoo ay ku dhaawacmeen 9 kale, waxaana hadda xaaladdu ay tahay mid kacsan oo degaanka ay howlgallo ka billaabeen  Ciidanka Qaraxa lala beegsaday ee Kolonyada la socday.

Ciidanka Dolwadda ayaa dhawaanahaan waxaa ay tiro dhowr jeer Al-shabaab ay kula dagaalameen degaanno duleedka ka ah Dhuusamareeb, waaxana inta badan ay la waregeen degaanadii lagu dagaalamay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post