1290 Views

Cumar Finish “Shacabka G/Banaadir Waa Inay Helaan Metalaad Siyaasadeed”

Cumar Finish “Shacabka G/Banaadir Waa Inay Helaan Metalaad Siyaasadeed”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 07, 2021–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Muqdisho waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in Gobolka Banaadir uu helo dhamaan Metaaladaha siyaasadeed ee Gobolada dalku leeyihiin.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in Gobolka lagu haleeyay dowladda Federaalka, maadaama uu Xarun u yahay dowladda, hayeeshee lagama maar-maan ay tahay in Bulshada Caasimadda helaan Matelaad siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay Duqa Muqdisho in dadaal dheer kadib ay sameeyeen lagu guuleystay in Gobolka Banaadir 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare, isla markaana Xildhibaanada Baarlamaanka ansixiyeen go’aanka, kadibna uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Cumar Finish ayaa tilmaamay in Ujeedka laga leeyahay Metelaad siyaasadeed yeesho Gobolka Banaadir ay tahay in shacabka Caasimadda dalka ee Muqdisho arrimooda loo gudbiyo Madaxda dowladda Federaalka.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo dhawaan uu Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uga qeyb galay Shirkii Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ee fashilmay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post