864 Views

Guddoomiyaha Cusub Ee Degmada Matabaan Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Degmada

Guddoomiyaha Cusub Ee Degmada Matabaan Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Degmada
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Matabaan ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan ayaa maanta gaaray Degmada kadib safar dhulka ah oo uu kaga ambabaxay Dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyihii hore ee degmada Axmed Maxamuud Maxamed Dhoobeey ayaa kusoo dhoweeyay duleedka Dagmada Matabaan waxaana intaas kadib wafdiga Guddoomiyaha loo soo galbiyay xarunta Degmada.

Qaar ka mid ah xubnaha maamulka Dagmada, odoyaasha, bulshada Matabaan ayaa hareeraha laamiga u taagnaa soo dhoweynta guddoomiyaha.

Xaflad kooban oo lagu qabtay gudaha Degmada Matabaan oo ay kasoo qayb galeen qaybo ka mid ah bulshada ayay Guddoomiyaasha deegaanada hoos taga Matabaan sheegeen in si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan.

Guddoomiyihii hore ee Matabaan  Axmed Maxamuud Maxamed Dhoobeey ayaa sheegay in  Guddoomiyaha cusub ay kusoo dhoweynayaan ayna dambayn doonto xafladda xil wareejinta.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada  Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa bulshada uga mahadceliyay soo dhaweynta wuxuuna sheegay in howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab halkiisa ka sii socon doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post