990 Views

SAWIRO:-Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka?

SAWIRO:-Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 10, 2019 —Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay xaruntooda Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ay ku yeesheen Kulanka 25aad ee kalfadhiga 5aad,waxaama kulanka goobjog ka ahaa 146 Xildhibaan.

 

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan,waxaana ajandayaasha Maanta looga hadlay ka mid ahaa Akhrinta 3aad ee Xisaab xirka Miisaniyadda 2017, Akhrinta 2aad Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay  Guddigii Xaqiiqo Raadinta ee loo xilsaaray dil wadareedkii Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay 9 ruux oo kasoo kala jeeday deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

 

Xubno ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtiyo kala duwan waxaa ay ka dhiibteen ajandayasha looga hadlayay kulanka Maanta,waxana ugu dambeyn kulanka soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment