4119 Views

Maddaxweynaha Kenya oo sheegay in aysan cadaw ku ahayn Soomaaliya.

Maddaxweynaha Kenya oo sheegay in aysan cadaw ku ahayn Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 18, 2015 — Madaxwaynaha Kenya Uhuru, oo hadal ka jeedinayay meel fagaare ah, ayaa sheegay inaysan dowladiisa cadaw ku ahayn Ummada Soomaalida iyo Guud ahaan muslimiinta. Uhurru, ayaa cadeeyay in Kenya aysan ujeeda gaar ah ka laheyn, xataa gabal ka tirsan dalka Soomaaliya. Madaxweynaha, ayaa sheegay in haddii ay cadaawad u hayaan bulshada Soomaaliyeed, aysan Amina Maxamed noqoteen, Wasiir arimo dibadeed matala danaha dalkaasi.

“Waxa kaliya ee aan doonayno, waa inaan Nabad ku wada noolaano, annaga iyo walalaheena Soomaaliyeed” ayuu yiri Uhurru Kenyatta.

Warbixino dhawaan soo baxday, ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay isku soo balaarinayso Soomaaliya isla markaana ay ciidamadeedu malaayiin dollar ka macaashayaan Dhuxul iyo xoolo laga dhoofiyo Soomaaliya.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment