1464 Views

SAWIRO:-Soomaali ka mid noqday dad ku dhintay Dooni ku degtay Xeebaha Liibiya

SAWIRO:-Soomaali ka mid noqday dad ku dhintay Dooni ku degtay Xeebaha Liibiya
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | Ogoosto 28, 2019 –65 Tahriibayaal ayaa la badbaadiyey, halka 40 kalena ku geeriyoodeen dooni ku degtay meel 9 mayl dhanka Waqooyi kaga toosan Degmada Alkhamas ee dalka Liibiya,waxaana la sheegay in dadka la la’yahay uu ku jiro hal Ruux oo Soomaali ah,kaas oo weli aan la helin Magaciisa.

 

Afhayeenka Ciiddanka Ilaalada Xeebaha ee dalkaasi, Ayuub Qaasim ayaa sheegay inay waaberigii hore ee Talaadadii u gurmadeen Tahriibayaasha oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.

 

 

Maydadka 5 qof oo ka ahaa 3 nin, haweeney iyo limo yar ayaa laga helay xeebaha dalkaasi Libya.

 

Dhinaca kale, Tahriibayaasha ka badbaaday shilkaas waxay ka soo kala jeedaan dalalka Suudan, Masar Morooko iyo Tunisia.

 

Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Charlie Yaxle ayaa xaqiijiyey inay Tahriibayaal ku geeriyoodeen Dooni ku degtay Xeebaha dalka Liibiya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment