921 Views

Gaalkacyo: Qoysas ay abaaruhu saameeyeen oo biyo dhaamin loo sameeyay

Gaalkacyo: Qoysas ay abaaruhu saameeyeen oo biyo dhaamin loo sameeyay
____________________________________________________________________________

Talaado: June 14, 202

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta gurmad biyo dhaamin ah u sameeysay qoysas ay abaaruhu saameeyeen, kuwaasi oo xaalad biyo la’aaneed ay ku heysatay deegaannada Bandar-Sheekh iyo Buq qalooc oo ka mida deegaannada fog fog ee ku yaala Waqooyi bari ee Gobalka Mudug

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa intii ay ku guda jirtay socdaalkeeda maanta ay ku tagtay deegaannada Bandar-Sheekh iyo Buq qalooc waxa ay warbixin ka dhageysatay qaar ka mida dadka fara ku tiriskaa ee ku nool deegaanadaasi, maadaama qoysaska intoodii tabarta laheyd ay u hayaameen deegaanno kale oo ka yara roon dhanka abaaraha,  waxaana ay sheegeen in inta badan xoolihii ay dhaafeen sidoo kalana ay heysato xaalad biyo la’aaneed iyagoo codsaday in gurmadyo dhan walba ah lala soo gaaro

Faadumo Cabdi Faandhe Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa intii ay kormeerkeeda ku guda jirtay qiimeyn ku sameysay xaalad adag dhanka nolasha ee ka jirta deegaannada Bandar-Sheekh iyo Buq qalooc waxayna sheegtay in ka Xildhibaan ahaan ay xoogga saari doonto sidii gurmad ka badan kan maanta ay gaarsiisay ay u heli lahaayeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada fog fog ee Gobalka, kuwaasi oo inta badan aysan gaarin gar gaarka iyo gurmadyada hay’adaha samafalka

Ugu danbeyn waxa ay baaq u dirtay Guddiga gurmad abaaraha Qaranka kaas oo ku saabsan in si dag dag ay u soo gaarsiyaan dadka ku sugan xaaladaha adag ee dhanka nolasha

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post