1053 Views

Kulan xalay Muqdisho ku dhexmaray Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo shekh shariif.

Kulan xalay  Muqdisho ku dhexmaray Gudoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi iyo shekh shariif.
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

 Kulan Ayaa xalay  Muqdisho ku dhexmaray Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sh Axmed.

Kulkaan waxaa Looga hadlay Xaalada Dalka iyo Doorashada waxuna ka dhacay Guriga Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Shariif oo Kulanka ka hadlay Ayaa yiri “

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta, Madaxweynihi hore ee dalka Mudane Sharif Sheekh Axmed oo hoygiisa magaalada Muqdiaho ku booqday Guddoomiyaha Aqalka sare BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka MD Shariif iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta xisbigii Himilo Qaran waxaa uu ahaa is xog wareysi xaaladda guud dalka.

Si gaar ah waxaa kulanka looga hadlay muhiimadda ay leedahay dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Guddoomiyaha Aqalka sare uga mahad celiyay kaalintiisa sida is fahamka ah ee ay socoto doorashada xildhibaanada matalaya gobolada Waqooyi ee dalka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post