576 Views

Kulamo Muqdisho ka socoto iyo R/wasaaraha Soomaaliya oo saacdaha soo socda la filayo in lagu dhawaaqo.

Kulamo Muqdisho ka socoto iyo R/wasaaraha Soomaaliya oo saacdaha soo socda la filayo in lagu dhawaaqo.
____________________________________________________________________________

Axad: June 12, 2022

Madaxweeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sacaadihii lasoo dhaafay Muqdisho ka waday latashayadii ugu dambeeyay ee lagu magacaabayo Ra’iisul Wasaare cusub.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Sheekh, madaxda maamul goboleedyada iyo Gudoomiyaha gobolka banaadir ay qeyb ka ahayd arimihii looga hadlay  Shaqsiga lagu dhawaaqi doono loona magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sida caadada ahayd, Madaxweyne waliba waxa uu haystaa 30 maalmood uu kusoo magacaabayo RW cusub sida Dastuuriga ah, inkastoo Madaxweynihii hore Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu mudo 50 maalmood ay ku qaadatay magacaabista Ra’iisul wasaare Rooble

Waxaa shaki lagalinayaa in Todobaadyadii lasoo dhaafay aysan jirin in laiska wareeystay cida laga dhigayo RW cusub balse hadda ay xoogeysatay wareysiyada shaqsiyaadka sharaxan iyo latashiyadda cida uu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo xulanayo Cida qabaneeysa xilka RW cusub.

Ilo wareedyada waxa ay hadal hayaan hadii uu waqtiga kusii dheeraado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu kafakari doono 3dii Ra’iisul wasaare ee xiligiisi soo maray Dowladiisa sanadihii 2012-2016.

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post