1023 Views

Wafdi gaarey Beledweyne oo la kulmey Madaxweyne Waare

Wafdi gaarey Beledweyne oo la kulmey Madaxweyne Waare
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda UNHCR oo uu qeyb ka yahay Argayga gaarka ah ee UNHCR u qaabilsan Qaarada Afrika Maxamed Cabdi Afeey ,iyada oo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga ayaa waxaa ay soo dhaweyn kadib kormeer ku sameeyeen Xerooyinka dadka Barakacayasha ah ka degan yihiin Magaalada Beledweyne, iyaga oo u kuurgalay xaalada dhabta ah ay ku nool yihiin dadkaas.

 

Sidoo kale Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahan ku sugan Baladweyne,iyaga oo kala hadlay xaalada Barakacayaasha iyo sida loogu gargaari karo.

 

Daqiiqadaha soo socda aya ala filayaa inay kulankaasi ka warbixiyaan Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda UNHCR iyo Argayga gaarka ah ee UNHCR ee Afrika iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment