423 Views

Ciidamada Ruushka oo u ruqaansaday galbeedka Ukraine goor dhawayd

Ciidamada Ruushka oo u ruqaansaday galbeedka Ukraine goor dhawayd
____________________________________________________________________________


Isniin:July 4, 2022

Mas’uul sare oo dowladda Ukraine ka tirsan ayaa BBC u sheegay in ciidamada Ukraine ay sameysanayaan dhufeysyo ay isaga caabbiyaan weerarrada ciidamada Ruushka ee u soo dhaqaaqay galbeedka dalka Ukraine, kadib marki uu burburay saldhiggi ay ku lahaayeen Lysychansk.

Serhai Haidai oo ah Barasaabka gobolka Luhansk uu Ruushka haysto wuxuu sheegay ciidamada Ukraine xilligi ay banneeynayeen aaggi ay horay ugu sugnaayeen wax dhibaata ah la kulmin.

Wuxuuna intaa ku daray Ruushku iney doonayeen Lysy-chansk iney dhulka ku daraan iyaga oo meel fog ka soo duqeynayey, isaga oo beeniyey iney jirin ciidamo Ukraine oo la hareereeyey.

Telefiishiin afka dowladda Ruushka ku hadla ayaa soo bandhigay madaxweyne Viladmiir Putin oo ku amraya wasiirkiisa gaashaandhigga (Sergei Shoigu) inuu dagaalka ka dhanka ah Ukraine la sii wado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post