822 Views

Deni oo sheegay inay shir isugu yimaadaan madaxda DF iyo dawlad goboleedyada

Deni oo sheegay inay shir isugu yimaadaan madaxda DF iyo dawlad goboleedyada
____________________________________________________________________________

Axad  -January 3, 2021

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey gaban-gabada madasha aragti wadaagga Heritage oo garoowe lagu soo afmeeray ayaa soo jeediyey in ay mar kale shir isugu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo madaxweynayaasha dawlad goboleedyada.

Deni ayaa xusay in heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada bishii September 17-dii,  Baarlamaankuna ansixiyey 27-dii isla bishaas uu yahay sharciga kali ah ee haatan lagu gali karo doorashada, balse ay tahay in laga wada hadlo dhaliilaha iyo tabashooyinka ka taagan dhaqan galintiisa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in mudada shirka madasha loo fadhiyey garoowe ay socdeen shirar gaar gaar ah oo isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay wadeen si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyada doorashada ku lugta leh ama danaynaya, waxaana uu xusay in dadaaladaasi ay sii socon doonaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post