2025 Views

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF oo shegtay in Berbera ay ku guulaysatay abaalmarinta

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF oo shegtay in Berbera ay ku guulaysatay abaalmarinta
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, ayaa ku dhawaaqday in magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ay ku guulaysatay abaalmarinta maamulka magaalooyinka carruurta u fiican.

UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu ku guulaystay inuu adeegyada asaasiga ah u dhaadhiciyo gudaha.

Hay’adda waxay sheegtay in tan iyo 2014, ay magaalada dhaqangelinaysay hannaanka adeegyada dadka lagu gaarsiiyo waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo maamulka magaalada uu wax ka qabtay adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada iyagoo la shaqeynaya dowladda Somaliland iyo UNICEF-ba.

Sida ay sheegtay UNICEF, Intaas waxaa sii dheer in dowladda hoose ee Berbera ay sare u qaadday miisaaniyadda iyagoo kharashka magaalada uga soo xarooda u adeegsaday bixinta adeegyada asaasiga ah, oo ay miisaaniyadda waxbarashada iyo caafimaadka ka soo qaadeen illaa $40,000 oo doolar oo la isticmaali jiray 2014 halka ay 2021 gaarsiiyeen $1,339,872 oo dollar.

Maayirka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo ka hadlayay abaalmarinta ay magaaladiisa ku guulaysatay ayaa sheegay: “Guulaha ugu waa wayn waxaa ka mid ah in dhaqaalaha ka soo xarooda degmada, iyadoon meel kale laga doonayn, in isla degmada lagaga shaqeeyo.”

“Guulaha la taaban karo waxaa ka mid ah in caafimaadka iyo waxbarashada ay heleen adeegyo iyo dhaqaale aanay markii hore heli jarin oo aanay degmada ka heli jirin,” ayuu yiri maayir Cidin.

Hay’adda UNICEF waxa ay sheegtay in xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya waaxda waxbarashada iyo maalgashi buuran oo dhinacaas la galiyay uu horseeday in iskuullada Berbera, intii u dhaxaysay 2014 illaa 2020, ay 38% sare u kaceen ardayda iska diiwaangelisay.

Dowladda hoose ee magaalada Berbera waxa ay taageertaa 10,000 oo arday ah oo 46% ay gabdho yihiin kuwaas oo wax ka barta 47 iskuul oo magaaladaas ku yaal.

Maayirka Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa tilmamay in sida loogu baahan yahay in dowladaha hoose ay ka soo dhalaalaan howsha loo xilsaaray: “In la helo dowlad hoose oo awood leh in ay dhisi karto, qalabayn karto, la socon karto goobaha xannaanada.”

Dhanka kale maamulka magaalada Berbera waxa uu xoogga saaray goobaha caafimaadka oo ay ka caawiyaan dhaqaalaha, qalabka, dawada iyo bixinta gunnooyinka.

Maayir Cidin ayaa sheegay in markii tallaaba ay qaadaanba ay midkale soo baxayso, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in hiigsigooda uu yahay “in aannu noqono kuwo ku filan baahida dadkooda, maadaama ay magaaladu fidaysana waxaannu qorshaynaynaa in aan sii calaamadayno goobaha ay carruurta ku ciyaari doonaan.”

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post