795 Views

Tirada Dadka ku dhintay rabshadaha Itoobiya oo korortay

Tirada Dadka ku dhintay rabshadaha Itoobiya oo korortay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020–Tirada dhimashada banaan-baxyadii iyo rabshadahii qowmiyadeed ee ka dillaacay Ethiopia toddaabdkii lasoo dhaafay, kadib dil loo geystay heesaa caan ahaa oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada, ayaa gaartay 239, sida lagu sheegay tirokoob ay sameeyeen booliska.

Hachalu Hundessa, oo ahaa hees halyey iyo cod u ahaa Oromada, oo isu arka inay yihiin dad la liiday, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, taasoo sii hurisay xiisado qowmiyadeed oo halis gelinaya xaaladda kala-guurka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromia, oo ah halka ay ku badan yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada, kuwaas oo mudo dheer dareemayey in dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la liiday.

Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada laba arrin oo isbiirsaday oo kala ah’ awood ay adeegsadeen ciidamada amniga iyo rabshadaha ka dhex dhaca qowmiyadaha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post