1197 Views

Ururada Saxaafadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed wadajir ah kasoo saaray dilka wariye Saciid Yusuf

Ururada Saxaafadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed wadajir ah kasoo saaray dilka wariye Saciid Yusuf
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 05 2020–Waxaa Caawa fiidkii Magaalada muqdisho lagu dilay Wariye Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa Kalsan TV ee magaalada Muqdisho, wiil ku hubeysan middi ayaa la dhacay middidii, waxaana uu ku dhuftay ilaa afar jeer taas oo keentay inuu isla goobtii ku geeriyoodey.

laamaha amniga Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Ninka dilka gaystay ayna baarayaan.

Ururada Saxaafadda sida SOMA,SJS,SIMHA iyo FESOJ oo Warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin geerida Wariye Saciid, waxay suxufiyiinta iyo ehelkiisaba uga tacsiyeeyeen geerida Wariyaha.

Dowladda Soomaaliya ayey ugu baaqeen inay baaritaan ku sameyso dilka Wariyaha.

Ururada sxaafadda ayaa sheegay in dilka Wariyahan iyo jirdilkii Maanta ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay u geysteen Wariye Safiya oo ka tiran Shabeelle ay ku soo aadeyso xilli maalinimadii shalay oo ahayd maalinta xurriyadda saxaafadda aduunka saxaafaddu cabasho ka dhan ah tacadiyada wariyaasha u dirtay Madaxweynaha iyo xukuumadda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment