1098 Views

Ku-simaha ra’iisul wasaare ku-xigeenka Afghanistan Mullah Abdul oo hadlay Khilaafka Taalibaan

Ku-simaha ra’iisul wasaare ku-xigeenka Afghanistan Mullah Abdul oo  hadlay Khilaafka Taalibaan
____________________________________________________________________________


khamiis: September 16, 2021

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in khilaaf xoogan soo kala dhax galay hogaamiyaasha Kooxda Taalibaan , khilaafkan ayaana la sheegay in markii dambe gacan ka hadal isku bedelay.

Khilaafkan ayaana la sheegay in uu si gaar ah ugu dhaxeeyay garabka uu hogaamiyo Ku-simaha ra’iisul wasaare ku-xigeenka Afghanistan, Mullah Abdul Ghani Baradar iyo garabka kale ee awooda ku dhax leh Taalibaan ee Shabakada Xaqaani.

Warbaahinta iyo baraha bulshada qaarkood ayaana horey loogu baahiyay in gacan ka hadal ka dhashay khilaafkan uu sababay in uu dhaawac soo gaaro Mullah Abdul Ghani Baradar oo maalmihii lasoo dhaafay muuqiisa iyo maqalkiisa la waayay.

about:blank Wareysi uu bixiyay Mullah Abdul Ghani Baradar ayuu ku beeniyay wararka laga faafiyay kooxda Taalibaan ee ku aadan in khilaaf xoogan u dhaxeeyo sidoo kale isaga lagu dhaawacay gacan ka hadal kooxda dhax martay.

“Maya, tani run ma aha; waan fiicanahay waana caafimaad qabaa,, waxaan ka maqnaa Kabul, mana aanan helin internet ii fududeyn lahaa in aan ganafka ku dhufto wararka been abuurka ah,” ayuu yiri Mullah Abdul Chani.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Afghanistan, Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf kooxda u dhaxeeya, waxa uuna tilmaamay in ay leeyihiin xiriir aad u wanaagsan oo ka fiican midka qoysaska dhaxdooda yaala.

“Waa Alle mahadiis ah in aan leenahay xiriir wanaagsan oo ah is xushmeyn. Xiriirkeena xitaa waa ka wanaagsan yahay midka ka dhexeeya qoysaska,” ayuu yiri Mullah Abdul Ghani Baradar .

Kooxda Taalibaan ee dhawaan la wareegtay talada dalka Afganistan ayaa la warinayay maalmihii lasoo dhaafay in uu soo kala dhax galay khilaaf xoogan oo saameyn ku yeeshay dhismaha dowlada loo dhan yahay oo dalkaasi yeesho.

.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post