927 Views

Akhriso: Mahdi Guuleed oo aan wax kaalin ah ku laheyn arrimaha siyaasadda ee socda

Akhriso: Mahdi Guuleed oo aan wax kaalin ah ku laheyn arrimaha siyaasadda ee socda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 13 2020—Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wax door ah ku laheyn siyaasadda dalka.

Mahdi Guuleed oo loo arkayay inuu buuxiyay booska Ra’iisul Wasaare, maadaama muddo 50 cisho ah uu xilka sii haayo, haddana taas awood siyaasadeed oo muuqata ma aysan siinin inuu door ku lahaado go’aamada dalka.

Shirka maanta ka furmay Madaxtooyada Villa Somalia ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaanu ka soo muuqan Mr Mahdi Guuleed.

Shirarkii hore ee marxalada kala guurka sanadkii 2016 waxaa Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore Maxamed Cumar Carte oo matalayay Gobolada Waqooyi.

Hase ahaatee Mahdi Guuleed oo nasiib u yeesho inuu noqdo Sii Haye Ra’iisul Wasaare in aanu wax talo ama go’aan ku yeelan arrimaha siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Tani ayaa waxay calaamad su’aal gelineysa maqaamkiisa siyaasadda, iyadoo loo arkayo inuu yahay nin maqaar saar ah oo aan loo baahneyn in wax kaalin ah ku yeesho arrimaha siyaasadda ee socda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post