927 Views

Ciidamada PSF oo qoraal ka soo saaray dagaalkii ilaa shalay ka socday Boosaaso

Ciidamada PSF oo qoraal ka soo saaray dagaalkii ilaa shalay ka socday Boosaaso
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 22, 2021

Ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa qoraal ay bartooda Facebook ku baahiyeen waxa ay ku sheegeen inay iska difaacayeen muddo laba maalmood ah weeraro gardaro ah “oo lagu jabiyay xeerarkii sharciga ahaa oo dhan.”

War-murtiyeedka ay PSF ku shaacisay boggeeda Facebook ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ciidamada PSF ka xunyihiin dhibaatada bulshada reer Boosaaso soo gaartay ayna raali ka ahayn iyaga oo ugu baaqay cidii masuul ka ahayd inay qaatan masuuliyadeeda.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir ja’raaid oo uu saakay qabtay ku sheegay in dawladda Puntland ay diyaar u tahay waanwaanta Isimada Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post