525 Views

Dad badan oo ku dhaawacmay kadib markii gantaal uu ku dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv

Dad badan oo  ku dhaawacmay kadib markii gantaal uu ku dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv
____________________________________________________________________________

 

 Axad: June 26, 2022

 Dad badan ayaa ku dhaawacmay kadib markii gantaal uu ku dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in dad badan uu dhaawac soo garay kadid markii saaka gantaal lagu weeraray dhismo ay dad deggenaayeen oo ku yaalla Kyiv.

Waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu daminayo dabka si dadka looga soo samatabixiyo dhismaha burburay” ayuu yiri Vitali Klitschko.

Gantaalka lagu weeraray Kyiv ayaa kusoo beegmaya xili hogaamiyayaasha G7 ay ku shirsan yihiin dalka Jarmalka.

Waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan ballaanqaadyo ay taageero milateri oo cusub ugu fidinayaan Kyiv oo ay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Ruushka.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post