918 Views

Isfaham horudhac ah oo lagu gaaray Kulamada ka socda Magaalada Garoowe

Isfaham horudhac ah oo lagu gaaray Kulamada ka socda Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2021–Maalmihii la soo dhaafay waxaa kulamo siyaasadeed ay ka socdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kulamadaas oo ay u dhaxeeyeen Madaxda isugu jirta Muxaafid & Mucaarad & qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada ee halkaasi u tegay ka qeyb-galka shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage.

Kulamadii u dambeeyay ee Madaxda dhex-maray ayaa waxaa la sheegay in lagu gaaray isfaham la xiriira isu soo dhawaansho dhanka khilaafkii ka taagnaa Arrimaha doorashooyinka dalka.

Wararka kale ee Magalada Garoowe laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Mas’uuliyiinta ay isfaham ka gaareen arrinta gobolka Gedo iyo doorashada Xildhibaannada Somaliland ee DFS, kaddib kulamo is-daba-joog ah oo ay ku la haayeen Garoowe.

Dhamaan Madaxdii ka qeyb-gashay shirkii dhawaan lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Garoowe ee Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa waxa ay dalbanayeen in heshiis laga gaaro Arrimaha doorashada ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed inay kulan isugu yimaadaan, kaas oo looga arrinsanayo xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya oo waqti badan geliya Arrimaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celceliyay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay inay isfaham ka gaaraan arrimaha doorashooyinka si horay loogu socdo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post