1362 Views

Qasaaraha ka dhashay Diyaaradda militari ee ku burburtay Philippine oo soo kordhaya

Qasaaraha ka dhashay Diyaaradda militari ee ku burburtay  Philippine oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Axad: July 4, 2021

Diyaaradda militari ee ku burburtay dalka Philippine waxay sidday 92 qof oo ciidamo u badan.

Diyaaraddda ayaa burburtay xilli ay soo caga dhiganeysay dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan ee garoonka ku yaalla jasiiradda Jolo. Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey 17 ka mid ah rakaabki diyaaradda saarnaa ay shilkaasi ku dhinteen, halka 40 qofna la soo badaadiyey.

Dadki shilkaasi ka badbaadayna waxaa loo qaaday isbitaal ku dhaw goobta uu shilku ka dhacay. Diyaaradda oo nooceedu yahay C130 markii ay burbureysay waxaa la arkayey qaac cirka isku shareeray. Warbaahinta dowladdana waxaa lagu baahiyey sawirro muujinaya diyaaradda burburtay oo holceyso.

Diyaaradda burburtay oo ka soo kicitintay meel aan ka fogeyn magaalada Jolo, waxay sidday ciidamo ay ka soo qaadday ‘Cagayan de-oro’ oo ku taalla Jasiiradda Mindanao ee koonfurta dalkaasi.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Philippine Janaraal Sobenjana wuxuu warbaahinta uu u sheegay diyaaraddu iney daba martay dhabbaha ay diyaaraduhu soo cagadhigtaan, duuliyaha marka uu isku dayay inuu dhabbaha ku toosiyana uu shilka dhacay.

Ciidamada diyaaradda burburtay saarnaa ayaa ka mid ah ciidamo ku howlanaa la dagaallanka kooxaha xagjirka ee dalkaasi ka dagallamo sida Koxda Abu-sayaaf.

Saraakiil militari oo shilka diyaaraddan ka hadlayna waxay sheegeen iney jirin wax astaan ah oo muujinaysa diyaaradda in la soo riday, howsha baaritaankana la billaabayo marka la soo gabgabeeyo howlaha gurmadka samatabixinta.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay ciidamada diyaaradda burburtay saarnaa badankood iney ahaayeen ciidamo dhawaan tababar soo dhammeystay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post