2418 Views

Booliska Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Soo Bandhigay Rag Hubeysan

Booliska Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Soo Bandhigay Rag Hubeysan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 23, 2018:-Ciidamo ka tirsan kuwa  Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Saldhiga Galbeed ayaa waxa ay howlgal ay ka sameeyeen xaafad ka tirsan degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir,iyaga oo ku soo qabtay  laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa.

Dhalinyaradaan ayaa watey Bustoolad iyo Tooreey(Mindi),iyada oo saraakiishu sheegeen in ay uga shakisan yihiin in ay yihiin Burcad dadka dhici jiray.

Howlgalka ayaa dhacay Saqdii dhexe ee xalay,waxaana taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Ciidanka booliska Soomaaliyeed uu sheegay in labadaasi dhalinyarada ah ay qabteen saacadu marka ay aheyd 12:00 Habeenimo ee Xalay,isla markaana ay baaris ku hayaan.

Waxa uu sheegay in lagu kala Magacaabo Mowliid iyo Xasan Cabdi,kuwaas oo ay qabteen xilli habeen ah laakin Ciidamada booliska Soomaaliyeed ay baaris ku sameyn doonaan,kadibna waxyaabihii ka soo baxa ay dib ka soo sheegi doonaan.

Dhalinyaradaan la soo bandhigay ayaa waxa ay wateen hal bustoolad Caag ah iyo Tooreey(Mindi),iyada oo aan weli la sheegin in xilliga la qabanayey ay faraha ku jireen falal lidi ku ah amniga.

10 11 13 15

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment