861 Views

4,500 reer Muqdisho ah oo la waydiiyay sida ay u arkaan Dowladda Soomaaliya

____________________________________________________________________________

4,500  [4 kun iyo shan boqol] ka tirsan bulshada ku dhaqan Muqdisho, ayaa la waydiiyey su’aal ahayd fikirkooda ku aadan 3 sanno iyo bar kaddib Dowladda Soomaaliya ma ka soo baxday waajibaadkii loo igmaday, waase siddee rajada iyo dareenka shacabka ee xilligan.

Ra’yi uruurintan oo ay samaysay mid ka mid ah hay’adaha dalka ka jira, kana gaabsatay in magaceeda la xuso, dadka su’aalaha la waydiiay waxay isugu jiraan qaybaha bulshada, waxaanna ka mid ah; arday, macalimiin, dhaqaatiir, ganacsato, siyaasiyiin, darwal gaadiidka dadwaynaha iyo dad suuq-joog ah.

Fikradaha dadka oo ah kuwa kala duwan, dadkuna ay dalbadeen inaan magacyadooda la xusin sababo amnigooda la xiriira,  waxaan ka soo qaadanay dhowr qofood.

Macalin Iskuul:

“Runtu waxay tahay raggan maanta dalka hogaamiya kuwii hore dalkan waa uga laxa-jecla badan yihiin, waa niman dowladnimadu u billaaban tahay, waxaan qabaa in iyaga dib loo doorto, sababtuna waxay tahay muddadii ay xilka hayeen waxaa muuqda wixii ay qabteen raadadkoodii, kuwa hadda meelaha ka qaylinaya waan soo tijaabinay waxqabadkooda, kuwaas intaan soo ceshan lahayn N&N ayaa la qaataa”

Dhaqtar:

“Soomaali iyaga oo aan aqoon bay Farmaajo u mashxaradeen, waana wax dhaqan u ah Soomaalida, waxaan nahay dad laab-lakac iyo huuhaa aan waxba ka jirin lagu kiciyo. Soomaalaay waa inaad ogaataan, qofka hogaanka ah waa inuu kulansadaa dhowr sifo oo shardi ah; shuruudahaas waxaa ka mid ah: inuu yahay qof caadil ah, geesi ah, codkar ah, waddani ah, runlow ah, yaqaanna dhaqanka Soomaalida iyo sida ay Soomaalidu isugu tolan tahay, haybad leh oo ay Soomaalidu  isu soo istaagi karto. Farmaajo ma leeyahay sifooyinkaas.? wuxuu innagu qalday waddanimo afka baarkiis ah, tillaabadii ugu horreeysay ee uu qaadayna waxay noqotay inuu muwaadin Soomaali ah u dhiibo cadow soo jireen ah, teeda kale, wuxuu yiri; cid kasta ee iga fikir duwan dagaal baan ku qaadayaa. Xassan Sheekh taariikh xun iyo mid wanaagsan intaba wuu lahaa, haddana wuxuu lahaa sifo wanaagsan taas oo ahayd; wuxuu ogolaa in fagaare lagu dhaliilo, laguna cambaareeyo, wali ma aragtay Farmaajo oo bulsho inta soo hor istaagay wax la waydiiyo, sababtu maxay tahay.? Waayo ma qabo kalsooni uu kaga jawaabi karo haddii su’aal la waydiiyo. Marka aniga waxaan qabaa ma jirto Dowlad ka xun tan oo ina soo mari lahayd”

Ganacsade:

“Haykal Dowladeed baa dhisan. Cadow iyo sokeeye intuba waxay qirsan yihiin in Soomaaliya ay soo ceshatay haybadeedii, haddii aan doonayno inaan mar kale aragno Soomaaliya oo meeqaamkii iyo sharaftii ay  adduunka ku lahayd ay soo laabato aan garab istaagno Dowladdan, intaan taageeri lahaa kuwii shalay cadowgu dhegta wax ugu sheegayay waxaa la ii qaataa inaan taageero kuwa cadowga ka xirtay albaabadda”

Saxafi

“Dowladdi, shaqadeeda maxay tahay ma ii sheegi kartaa.? Waxaan u baahnahay in marka hore aynu dadkeena fahamsiino waxa ay dowladdi tahay.? Shaqsiyaadka Dowladda hogaankeeda haya waxay la tahay marka ay hogaanka qabtaan in dalka iyo dadkuba yahay milkiyad ay iyagu leeyihiin, taasina sax ma ahan, xaqiiqdu waxay tahay in ay la mid yihiin bulshada, oo kursigu calaf u galay, loogana baahan yahay in ay la yimaadaan qorshe cad oo waxqabad dhab ah xambaarsan, inta ay bulshada soo hor fadhiistaan la wadaagaan, wax laga waydiiyo, waqti mucayim ahna loo qabto shaqooyinka ay qabanayaan, marka waqtigu u dhammaado na mar kale lala xisaabtamo, qaybta ugu wayn ee la xisaabtanka Dowladda cidda ay tahay in ay ka shaqeyso waa saxaafadda, saxaafadiina waxaa iska yeeshay qoladii markaas afka u buuxisa, inta maanku gaajeysan yahay xornimo iyo guuli inta cirka inoo jiro ayeey inoo jirtaa, Haddii su’aashaadu ahayd Dowladdani siddeed u aragtaa, jawaabtaydu waxay tahay, marka loo eego wixii aan horay u soo aragnay iyagaa la qaataa”

Arday Jaamacadeed.

“Dowladdani, waxay kaga duwan tahay dowladihii hore waxaa hogaankeeda haya koox ama [team] isku xiran, in ay wax qabtaan waxaa kaga muhiimsan in ay ka shaqeeyaan sidii ay muddo u sii joogi lahaayeen, si ay taasi u meelmariyaan waxay u sameynayaan wax kasta, hal-hayskoodu wuxuu yahay; haddaad iga aragti duwan tahay, si kasta oo aan kuula dagaali karo waxba kuuma reebanayo, waxay ku dhaqmayaan waa dhaqan kelitalisnimo, waxay ahayd in ay kuwa ka soo horjeeda waxqabad kula dagaalamaan oo ay tusaan waxqabad la taaban karo, guri burbursanaa oo aad dayactirtay waxaa ka wanaagsan 5 iskuul ama 5 isbitaal oo aad bulshada u dhistay ayna ka heli karaan adeegyada muhiimka ah, Muqdisho maanta waxaa dhaqtar heli kara oo keliya qofka lacag haysta”

Darawal Gaadiidka dadwaynaha

“Dowladdu wax ma qabatay mise wax ma qaban haddii ay su’aashaadu tahay, waxaan ku leeyahay haa waa wax qabatay, haddii se aad i waydiiso wixii ay balanqaaday ma qabatay.? Jawaabteydu waa maya”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post