1251 Views

Dhageyso:-Soomaaliland Oo Xayiraad Saartay Hotel Ku Yaalla Hargeysa Iyo Xiisad Ka Dhalatay

Dhageyso:-Soomaaliland Oo Xayiraad Saartay Hotel Ku Yaalla Hargeysa Iyo Xiisad Ka Dhalatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 05  2019 —Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ee Soomaaliland ayaa Go’aan ka soo saartay xilliyada Shaqada Hotelka Beerta Libaaxyada oo ka mid ah Hotelada ugu caansan deegaanada Soomaaliland.

Qoraal kasoo baxay Maxkamada ayaa lagu sheegay in dadka deriska la ah hotelkaas ay dacwad ka dhan ah u gudbiyeen Ciidamada Booliska Soomaaliland,taas oo ah in xilliyada habeenkii Hotelkaas lagu sameeyo waxyaabo dhan xumo ah iyo in laga shido Musik codkiisu aad u dheer yahay.

Maxkamada ayaa Go’aamisay in gebi ahaanba Hotelka Beerta libaaxyada uusan Shaqeyn karin xilliyada habeenkii ilaa iyo inta ay socoto dacwada ay ka gudbiyeen dadka deriska la ah.

Abwaan Xasan Dhuxul (Laab saalax) oo ka mid ah Abwaaniinta xilligaan ugu caansan Soomaaliland ayaa sheegay in waqti hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliland ay Go’aano kasoo saartay Hoteelada,hayeeshee xilligaan aysan muhiim aheyn in markale lagu celiyo.

Waxa uu dhinaca beeniyay in Hotelka Beerta libaaxyada iyo Hotelada kale eek u yaalla Magalada Hargeysa in lagu sameeyo waxyaabo ka baxsan fanka oo dhaqan xumo ah.

Warraka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Soomaaliland ay tageen Hotelka Beerta Libaaxyada,isla markaana Maamulka Hotelka ay ku wargeliyeen in habeenkii uusan Shaqeyn ilaa iyo inta ay dacwada socoto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment