813 Views

Duullaanka Ukraine: Waxa uu ka soo cararay colaadda Suuriya, duqeynta Ruushka ayaa uga daba timid Kyiv

Duullaanka Ukraine: Waxa uu ka soo cararay colaadda Suuriya, duqeynta Ruushka ayaa uga daba timid Kyiv
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

Markii uu Ruushka billaabay duqeynta caasimadda Kyiv ee dalka Ukraine, Cumar ayaa xusuustay muragadii iyo calool xumadii ee uga soo cararay dalkiisa Suuriya.

Waxa uu ka mid ahaa malaayiinta Suuriyaanka ah ee ka soo cararay dagaalka 11-ka sano ka socday dalkooda si ay noolal cusub uga sameystaan Yurub.

Afar bilood ee keliya ayuu xaaskiisa Irina kula noolaa caasimadda Kyiv. Waxa ay sameysteen shirkad qaabilsan qurxinta guryaha, ganacsigooduna meel fiican ayuu u marayay ka hor inta uusan billaaban duullaanka Ruushka.

“Sideed qarax oo xooggan ayaa gilgilay albaabada iyo dariishadaha gurigeenna,” ayu Cumar u sheegay BBC. Duqeyntaas ayaa qeyb ka ahayd duullaanka cirka, dhulka iyo badda isugu jira ee uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Cumar ayaa markaas go’aansaday inuu ka faa’iideysto khibradii uu ka soo helay dagaalka Suuriya.

Waxa uu sheegay in duqeyntaas kadib ay isaga iyo xaaskiisa soo iibsadaan keyd ballaaran oo isugu jira raashin iyo qalabka kontada, balse ay saacado badan ku qaadatay maadaama ay dadka ku xoomeen dukaammada.

Gabbaadka Duqeymaha

Lammaanaha ayaa ka dhigay qeybta hoose ee gurigooda gabbaad ay uga badbaadaan duqeymaha xooggan ee uu Ruuska ku hayo agagaarka caasimadda Kyiv.

Waxa ay goobtaas oo loogu talo galay in lagu keydiyo waxyaabaha loo isticmaalo guriga u bedaleen hooy, waxaana u yaalla cunno iyo biyo ku filan.

Waa goob aan si wanaagsan loogu noolaan karin, balse ay dantu badday, maadaama duqeymaha Ruushka ay xilli kasta dhici karaan – habeen iyo maalin ba.

“Waan cabsanay, kadib markii aan aragnay waxa uu Ruushku ka sameeyay magaalooyinka uu qabsaday sida Kharkhiv. Waxaan telefishinnada ka daawannay in bartimaaleedka ciidamada Ruushka aanay ku koobnayn milateriga ee ay xitaa beegsanayeen dadka rayidka ah,” ayuu Cumar u sheegay BBC.

Magaalada Kharkiv oo ah tan labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa waxa ay bartilmaameed xooggan u ahayd Ruushka, oo duqeyb ku billaabay maalintii koobaad ee duullaanka oo ahayd 24-kii February.

Maalintii 6-aad ee duullaanka, Ruushka ayaa duqeymihiisa ku beegsaday bartamaha Kharkhiv, halkaas oo ay ku yaallaan tiyaatarka ugu weyn magaalada iyo weliba xafiisyada dowladda.

Maamulka magaalada ayaa xilligaas sheegay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen duqeymahaas, 35 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka Suuriya

Cumar ayaa Suuriya uga soo cararay dagaalka sokeeye iyo duqeymaha uu dalkiisa ka fulin jiray Ruushka oo taageero siinaya Bashar Al-Asad, kadib dagaalka billowday 2015.

Asad ayaa ku badbaaday kaalmada milateri ee uu ka helay Ruushka, Iran iyo ururka Xisbullah, kuwaas oo dhammaantood saldhigyo ciidan ka samaystay gudaha dalkaas.

“Waan ogahay oo horay ayaan u arkay arxan darrada iyo cadaawadda duullaanka Ruushka,” ayuu Cumar u sheegay BBC.

Ugu yaraan 12,000 oo carruur ah ayaa ku dhimatay ama ku dhaawacmay dagaalka Suuriya, sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhallaanka ee Unicef.

Ururka Violations Documentation Centre oo diiwaangeliya tacaddiyada ka dhaca goobaha dagaalka ayaa sheegay in wixii ka horreeyay December 2020 uu diiwaangeliyay 226,374 dhimasho uu dagaalka sababay, ayna kamid yihiin 135,634 qof oo rayid ah.

\ Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post