675 Views

Waxaa goordhaw shir uga furmay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho golaha Midowga Musharaxiinta

Waxaa goordhaw shir uga furmay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho golaha Midowga Musharaxiinta
____________________________________________________________________________

Axad : August 22, 2021

Waxaa goordhaw shir uga furmay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho golaha Midowga Musharaxiinta ,kuwaa oo al sheegay in shirkooda uga arinsanayaan arimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale shirkan ay ka qeyb galayaan inta badan golaha Midowga Musharaxiinta ayaa looga arinsanayaa shirka Muqdisho uga socda Golaha Wadatashiga Qaran oo laga yaabo in wax looga bedelo hab raacyada doorashada iyo qodobo kale oo horey loogu heshiiyay.

Shirkan golaha Midowga Musharaxiinta goordhaw u furmay ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin, waxaana la filayaa in gabo gabada shirkan Musharaxiinta warbaahinta la hadlaan kana warbixiyaan waxyaabihii ay uga wada hadleen.

Midowga Musharaxiinta ayaa horey u dalbaday in shirka Wadatashiga ee Muqdisho uga furmay Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad Goboleedyada talo ku yeeshaan lagana qeyb galiyo balse taasi ma dhicin mana laga qeyb galin musharaxiinta shirka socda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post