495 Views

Koofur Afrika oo markii ugu horeysay soo saareysa tallaalka cudurka Covid19

Koofur Afrika oo markii ugu horeysay soo saareysa tallaalka cudurka Covid19
____________________________________________________________________________


khamiis: January 20, 2022

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa furey warshad cusub, oo soo sareysa wax soo saar tayo leh, taasoo noqon doonta tii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Covid19 oo buuxa.

Xarunta warshadda Nant-SA ee ku taalla magaalada Cape Town ee dalkani, ayaa waxaa aasaasey maal qabeenka, isla markaana cilmiga biology-ga ku takhasusey ee u dhashey dalka Koonfur Afrika, fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka, Dr Patrick soon-Shiong.

Warshadda ayaa lagu wadaa iney soo saarto tallaalkeeda ugu horreeya sanad gudihiis, iyadoo hadafku yahay marka la gaaro 2025-ka, in sanadkiiba lasoo saaro hal bilyan oo xabo oo tallaal ah.

Koonfur Afrika, ayaa leh laba xarumood oo kale, kuwaasoo soo saara tallaalada qeybaha dhexe ah.

Xafladdii furitaanka, ayaa Madaxweyne Ramaphosa waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso in qaaradda Afrika ay u jiheysatey dhanka isku filnaanshaha.

“Afrika waa inaaney galin mar danbe safka u danbeeya ee helitaanka tallaalka inta lagu guda jiro cudurada aafooyinka ah, ma ahan inaan gacan hoorsanno, si aan u helno tallaal”, ayuu yiri Madaxweyne Ramaphosa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post