1152 Views

Axmed Madoobe oo baaq u diray Shacabka Jubbaland

Axmed Madoobe oo baaq u diray Shacabka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 23, 2019 –  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta salaada Jimcaha boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka suuq weyne ee Magaalada Kismaayo.

 

Masaajidkan ayaa la dhisay Sanadkii 1942 iyadoo dib u dhis iskaa wax u qabso ah ay ku dhiseen dadweynaha reer Kismaayo 2017kii.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa salaada kadib dadweynaha kula dardaarmay in ay is cafiyaan oo Midnimada Bulshada iyo wadajirkeeda ay tahay shay qaali ah oo loo baahan yahay in la xoojiyo.

 

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu bogaadiyay Culimada Magalada sida ay dadweynaha ugu dhiiri galinayaan kor u qaadista Barashada diinta Islaamka iyo in ay gacmaha is qabsadaan Bulshadu.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment