1014 Views

Magaalada Kiev oo waddooyinka ka xiraneysa duulaanka Ruushka

Magaalada Kiev oo waddooyinka ka xiraneysa duulaanka Ruushka
____________________________________________________________________________


Axad: March 13, 2022

Muddo toddobaadyo laga joogo ayey dadka Ukraine waxay wax ka beddeleen difaaca siiba magaalada Kiev oo ay hore uga jireen meelo jidgooyooyin ah kuwaas oo hadda loo bedelay kuwo waaweyn .

Magaalada oo dhan ayaa raggu waxay buuxinayeen oo magaalada dhigayeen jawaano carro ah . sidoo kalena waxaa mashquul ahaa dadka ka shaqeeyaa biraha .

Isgoysyada muhiimka ah waxaa lagu diyaariyey biro celiya socodka taangiyada.

Guryaha magaalada Kiev waxay leeyihiin dhufeysyo haddii magaalada dariiqyadeeda uu dagaal ka dhacana wuxuu socon karaa bilo.

Waxaan shaki lahayn in ciidanka Ruushka ay u shaqeynayeen nus xawaare awoodoodana ay kala bar isticmaalayaan. Taas ayaa lagu sheegay in ay tahay qaladka ay leeyihiiniyo qeyb ahaan dadka Ukraine oo muujinaya in ay rabaan inay iska celiyaan.

Weerarada dib u dhaca ka muuqdo ee hareeraha Kiev ayaa xooogaa nasasho siiyey dadka difaacaya magaalada taas oo u oggolaatay in ay qotaan difaac wanaagsan oo mararka qaarna ay hubka casriga ah ee

NATO siineyso Ukraine wax ka helaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post