1029 Views

Puntland iyo Galmudug oo xal ka gaaray shaqaaqo khasaaro geeysatay oo ka dhacay gaalkacyo

Puntland  iyo Galmudug oo xal ka gaaray shaqaaqo khasaaro geeysatay oo ka dhacay gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Kulan Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta xal kama dambeys ah looga garay shaqaaqooyinka sababay dhimasho kuwaas oo ka dhacay Gaxan dhaale iyo Gaalkacyo.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ee Puntland  Shaafici Cabdullaahi Xaashi, Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxman Sheekh Xasan , odayaasha Nabadda ee labada dhinac iyo ciidanka xasilinta Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta ayaa kulanka waxa ay ku kala wareejiyeen qori iyo duug lacageed , waxaana Odayaasha Dhaqanka uga mahadceliyeen dadaalada ay ku bixinayaan xasilinta arrimaha nabadgelyada gobolka.

Degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay colaad beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah, waxaana weli degaano kamid ah Gobolkaasi Mudug ka jiray Colaad Beeleedyo soo laab laabtay

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post