297 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Xoghayaha Guud ee QM & Hoggaamiyaha Sudan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Xoghayaha Guud ee QM & Hoggaamiyaha Sudan
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 24, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, isbedelka cimilada iyo xaaladda amniga.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula qaatay magaalada New York dhiggiisa dalka Suudaan Cabdifataax Cabdiraxmaan al-Burhan.

Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagay hoggaamiyaha dalka Sudan, dedaalada ay xukuumaddiisu ugu jirto sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya, iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabku ay wadaan si Soomaaliya looga xoreeyo argagixisada.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay iska xogwaraysteen xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post