1563 Views

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2018 – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, waxaa kulanka shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibrahim (Muudeey).

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxaana la marsiiyay habraacii Golaha.

Dhamaan Xildhibaanadii Madasha fadhiyay ee 158 gaarayay ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa golaha shacabka kaga mahad celisay ansixinta hindise sharciyeedkan oo hada ka dib noqonayo sharci, waxaana ay tilmaantay muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay iyo kaalinta uu ka qaadan karo hormarinta Caafimaadka.

“Mudanayaal aad baa idiinkaga mahad celinaya ansixinta sharcigaan, Wasaaradda Caafimaadka hada ka dib waxa u fududaaneyso la xisaabtanka Hay’addaha Caafimaadka iyo dadka ku shaqeeya xirfadan, sharcigan waxa uu xakameynaya daawooyinka dalka soo galaya iyo Ajaaniibta imaaneysa Dalka”. ayay tiri Wasiir Foosiya.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda dadka naafada ah oo mari doono aqrinta saddexaad.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment