1134 Views

Deg deg: Yaasiin Farey oo loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Deg deg: Yaasiin Farey oo loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

khamiis: November 25, 2021

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Soomaaliya waxaa lagu q doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Galmudug.

Kursiga koowaad doorashada maanta la qabtay waxaa kusoo baxay agaasimaha KMG ee NISA Yaasiin Farey oo la tartamay musharrax kaleo isku soo taagay kursiga HOP#067.

Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) ayaa helay 68 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Cali Culusow uu isna helay 20 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug.

Natiijada soo baxday iyo guusha Yaasiin Farey ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, maadaama loo xiray kursiga, wuxuuna sidoo kale si dhow ugu xiran yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Ad by Valueimpression

Kursigan waxaa sidoo kale horay ugu fadhiyey ganacsadaha caanka ah ee Cadow Cali Gees oo muddo ka tirsanaa xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa doorashada Yaasiin Farey ay kusoo aadeysaa, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay qaylo dhaan kasoo yeereysay mushariixiin uu ka mid ah taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo ku eedeeyey Villa Soomaaliya inay afduubtay kursigaas.

Doorashada ayaa sii soconeysa, waxaana galabta la qabanayaa kursiga xiga ee HOP#43, kaas oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Xuseen Iidow oo markale tartamaya.

Si kastaba, qaabka ay u socota doorashada ayaa waxaa walaac ka muujiyey musharixiinta mucaaradka oo shaaciyey in masuq-maasuq xoogan uu ka jiro hannaanka doorashooyinka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post