810 Views

Munaasabad lagu abaal marinayey Dhalinyaro oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb

Munaasabad lagu abaal marinayey Dhalinyaro oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Munaasabad lagu abaal marinayey qaar ka mid ah xubnaha firfircoon ee qaybta ah dadaalada bilic soo celinta Dhuusamareeb ayay ku kulmeen inta badan hal-doorka Bulshada Magaalo madaxda Galmudug oo ku wadaagey waxyaabaha uga qabsoomey barnaamijyada is xilqaanka ah ee dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay lagu dhisay tiro ka mid ah wadooyinka Magaalada ee isku xira xaafadaha.

Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo Mas’uuliyiinta ka qayb galey kulankan ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Cabdikaafi Xaashi faarax oo ka mid ahaa dhalinyarada sida adag ugu taagnaa ka miro-dhalinta howlahaasi isla markaana dadaalkan soo gaarsiiyey heer bulshada oo dhami uwada istaagtey in ay wax ku biiriso, iyagoo diyaar la ah muruq iyo maalba.

Cabdikaafi Xaashi Faarax oo ka mid ah shaqsiyaadka munaasabadan lagu xusey dadaalka ay ka geysteen hormarinta Magaalada Dhuusamareeb ayaa kula dardaarmey bulshada Caasimada in ay sii wadaan dhameystirka barnaamijyada is xilqaanka ah ee dhalinyaraddu hormuudka u tahay.

Ugu dambeyn wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa dhamaan bulshada Galmudug ujeediyay in ay qaataan dowrkooda oo ay buuxiyaan waxyaabaha dowlad Goboleedku awooda u yeelan waayo.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post