777 Views

Eritrea oo Mareykanka ku eedaysay colaadda haatan ka taagan gobolka Tigray

Eritrea oo  Mareykanka ku eedaysay colaadda haatan ka taagan gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

June 9 2021

Dowladda Eritrea ayaa waxa ay dhiggeeda Mareykanka ku eedaysay colaadda haatan ka taagan gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Warqad uu wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Eritrea, Cismaan Saalax, u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu ku eedeeyay Mareykanka “inuu sii hurinayo colaadda iyo deganaanshiyo la’aanta” uuna qorshaynayo “inuu badbaadiyo haraadiga” maamulka Ururka Xoraynta Dadka Tigray (TPLF), kaas oo maamuli jiray gobolkaasi waqooyiga Itoobiya ku yaal.

Mareykanka ayaa waxa uu ku baaqayay in ciidammada Eritrea ay isaga baxaan gobolka Tigray kaddib markii lagu eedeeyay inay halkaas ka gaysteen tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warqadda Mr Cismaan ayaanan looga hadlin ciidammada Eritrea ee ku sugan gudaha gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa hore u diidday in ciidammada Eritrea ay joogaan gudaha gobolka Eritrea hasayeeshee markii dambe ayaa waxa ay qirtay arrintaasi iyadoo ballanqaadday inay halkaas isaga bixi doonaan.

Dowladda ayaa todobaadkii tagay waxa ay shaacisay farriin noocaas oo kale ah.

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa waxa ay ka digeen in dhibaato bini’aadamnimo ay gobolkaasi ka soo food leedahay, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres uu sheegay in Tigray “ay qarka u saaran tahay macaluul”.

Dhanka kale boolis ku sugan degmo ku taalla Gobolka colaadda ay ka taagan tahay ee Tigaray ayaa BBC-da u sheegay inay halkaasi cunno la’aan ka jirto sidaas darteedna qofkasta oo deegaankaasi ku nool wuxuu qarka u saran yahay macalluul.

Dadka degmada Qafta Humera oo ku taalla miyga fog ayaa sheegay in rag hubaysan ay cuntadoodii iyo xoolahoodiiba ka dheceen.

Waxay sheegeen in xitaa ay arkeen gawaari ay saaran yihiin raashin mucaawino ah balse aanay dhag jalaq u siinayayn inay istaagaan oo caawiyaan dadkan tabbaalaysan.

Dadka qaar ayaa waxay isku dayeen inay gaaraan magaalada ugu dhaw ee Shire, haseyeeshee waa ay u suurogeli weysay sababo la xiriira baraha kaantarool ee ay sameeysteen kooxaha iska soo horjeeda, waa ciidamada Itoobiya iyo xoogagga daacada u ah maamulkii hore ee gobolka Tigray.

Waxay ay dowladda iyo hay’adaha gargaarka ka codsanayaan inay si deg-deg ah u caawiyaan.

Eritrea oo lagu eedeeyay xaquuq ka dhacay gudaha Itoobiya

Guddiga xuquuqda aadanaha Itoobiya ayaa bilo ka hore sheegay in askar Eritrea u dhalatay ay dad rayid ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol qof ku laayeen magaalada Aksum ee gobolka Tigray dhammaadkii Nofeembar.

Baaritaanka uu guddiga sameeyay ayaa salka ku hayay warar sheegaya in dhammaadkii Nofeembar ay magaaladaasi qadiimiga ah ka dhaceen falal noqon kara dembiyo dagaal.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in dadka la laayay ay isugu jireen shacabka magaalada iyo dad meel kale uga yimid inay ka qeybgalaan xus diimeedka Aksum Tsion.

Qof goob-joog ahaa ayaa guddiga u sheegay in ciidamada Eritrea ay guri ka wateen oday 70 jir ahaa iyo laba wiil oo uu dhalay, “kadibna ay ku toogteen barkad biyo oo gurigooda u dhaweyd.”

“Maadaama tacaddiyadan ay u dhigmaan dembiyo ka dhan ah aadanaha ama kuwo dagaal, waxaa muhiim ah in baaritaan wax ku ool ah lagu sameeyo xaaladda bani’aadannimo ee gobolka Tigray,” ayaa lagu sheegay warbixinta guddiga

Abiy ayaa sheegay in lagu guulaystay duulaanka Tigray kadib markii uu bil socday, balse hogaanka TPLF oo hadda baxsad ah ayaa wacad ku maray inay qaadayaan dagaallo jabhadeyn ah.

Eritrea oo hadal kasoo saartay xasuuq loo heysto in ay ka geysatay Tigray

Dowladda Eretariya ayaa “sidii caadada u ahayd u beenisay” eedeymo ku saabsan in militarigeeda ka dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Aksum, labo maalmood oo ka tirsanaa bishii November gudahood.

Warbixin ay soo saartay hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in dil wadareedka la fuliyay 28-kii iyo 29-kii bishii Nofeembar uu noqon karo fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadannimada.

Hase yeeshee, Wasiirka Warfaafinta ee Ereratiya, Yemane G Meskel, ayaa eedeyntaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“Warbixinta waxay inteeda badan ku saleysan tahay markhaatiga ay bixiyeen 31 qof oo ku sugan xerada qaxootiga Hamdayet ee gudaha Suudaan,” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Mr Meskel ayaa sheegay in la ogyahay in xeradaas dadka ku jira intooda badan ay yihiin dagaalyahannadii daacadda u ahaa xisbiga TPLF ee cararay kaddib markii lagu eedeeyay in ay “xaquuq ba’an ka geysteen” magaalada Mai-Kadra, xilligii ugu horreeyay ee uu dagaalka qarxay.

Amnesty ayaa sheegtay in warbixinteeda ku saabsan xasuuqa Aksum ay ka diyaarisay wareysiyo ay la yeelatay qaxootiga gobolka Tigray ka tagay ee ku sugan Suudaan, sidoo kalena ay khadka telefoonka ku wareysatay dad badan oo ku sugan magaalada, goob joogna ka ahaa dhacdooyinka.

Hayaddan u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro qalabka satellite-ka lagu qaaday oo muujinaya caddeymo ku saabsan qabuuro cusub.

41-ka ruux ee ka badbaaday xasuuqa iyo goob joogeyaal ayaa bixiyay magacyada 200 oo ruux oo ay yaqaanneen oo lagu dilay magaalada Aksum.

BBC-da ayaa sidoo kale la hadashay markhaatiyaal ku sugan gudaha magaalada Aksum, kuwaasoo bixiyay xog la mid ah tan ay bixiyeen dadka ay la hadashay hayadda Amnesty.

Qof ka tirsan shaqaalaha dowladda ee howlaha rayidka ayaa sheegay in meydadka wiilal yar yar iyo rag ay toogasho ku dileen ciidanka Eretariya aan in muddo ah la aasin, ayna waddooyinka iska daadsanaayeen maalmo, qaar badan oo ka mid ahana ay waraabeyaal cuneen.

Wuxuu tirada dhimashada ku qiyaasay in ay gaadhi karto ilaa 800 oo ruux, tiradaas oo mid la mid ah uu sidoo kale bixiyay baadari wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee AP. Baadarigaas ayaa warbaahinta tusayay kaararka aqoonsiga ee dadkaas iyo qabriyada lagu aasay meydadkooda.

Dowladaha Itoobiya iyo Eretariya labaduba way beeniyeen in militariga Eretariya ay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in warbixinta Amnesty ay mudan tahay “in si dhab ah loo qaato”, iyagoo intaasna ku daray in ay baadhitaan ku wadaan eedeymaha.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa horaantii bishii November amar ku bixiyay in dagaal lagu qaado gobolka Tigray oo ay maamulkiisa gacanta ku hayeen xisbiga TPLF, kaddib markii xoogaggooda ay qabsadeen saldhig ay gobolkaas ku lahaayeen militariga federaalka.

30-kii bishii Nofeembar ayuu baarlamaanka u sheegay in “aan hal qof oo shacab ah la dilin” intii uu howlgalkaas socday.

Adeeggii isgaarsiinta iyo korontada oo ka go’naa gobolkaas ayaa suurtagalin waayay in warar madax bannaan laga helo dagaalka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post