243 Views

‘Nin Soomaali ah oo loo qabtay qarax ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo ay dad badan ku dhinteen

‘Nin Soomaali ah oo loo qabtay qarax ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo ay dad badan ku dhinteen
____________________________________________________________________________

Isniin: January 16, 2023

Nin kasoo jeeda dalka Kenya ayaa la xiray kadib markii lala xiriiriyay qarax bambaano ah oo lala eegtay kaniisad ku taalla magaalada Kasindi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Afhayeen u hadlay militeriga DR Congo ayaa sheegay in qofkaas looga shakiyay weerarka lagu xiray xadka Kasindi saacado uun kadib markii uu qaraxa dhacay.

Dhinaca kale, wargeyska Daily Nation oo soo xiganayo ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa ku warramay in nin 29 jir ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad loo qabtay weerarka, ninkan ayaa kasoo jeedaa magaalada Wajeer, sida uu xusay wargeyska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Felix Tshisekedi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna wacad ku maray in caddaaladda la horgeyn doono dambiilayaasha.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay qaraxa halka 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post