858 Views

Xulafada Sacuudiga uu Hogaamiyo oo duqeymo dhinaca cirka ah ka geystay magaalada Sanca

Xulafada Sacuudiga uu Hogaamiyo oo duqeymo dhinaca cirka ah ka geystay magaalada Sanca
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Xulafada u hoggaaminayo Sacuudiga ee dalka Yemen dagaallada ka wada ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyey caasimadda Yemen ee sanca oo gacanta ugu jirta fallaagada Xuutiyiinta.

Xulafadu waxay sheegeen duqeyntoodaasi iney ku bartilmaameedsadeen saldhigyo ciidan oo magaalada Sanca ku yaalla iyo deeganano kale oo ay mucaaradka gacanta ku hayaan.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha duqeyntaasi ka dhalatay.

Duqeyntan ay xulafada Sacuudiga uu horkacayo ay fuliyeen ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordheen weerarrada ay xuutiyiinta ka fuliyaan xuduudaha Sacuudiga.

Sacuudigana wuxuu subaxnimadi saaka sheegay iney soo rideen toban diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsan walxaha qarxa.

Xulfada uu Sacuudiga Hoggaaminayo ayaa taageera dowladda Yemen ee caalamka laga aqoonsan yahay oo muddo lix sana ah dagaalka kula jirta fallaagada Xuutiyiinta

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post