336 Views

Giriiga oo soo saaray digniin cusub sheegay inuu u adeegsado awood milateri dalka Turkiga oo ay sida weyn isu hayaan.

Giriiga oo  soo saaray digniin cusub sheegay  inuu u adeegsado awood  milateri dalka Turkiga oo  ay sida weyn isu hayaan.
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

 Giriiga ayaa soo saaray digniin cusub, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu adeegsado dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri, si ay u difaacdaan madax-banaanidooda, ayna uga hortagaan farogelin qorshaysan oo uu wado dalka Turkiga ee ay sida weyn isu hayaan.

Digniintan tooska ah ayaa daba socota, heshiiskii muranka badan dhaliyey ee dhowaan dhexmaray dalka Turkiga iyo qayb ka mid ah dawladda ka dhisan dalka Liibiya. Balse xiisadda u dhexeysa labadan dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, ayaa beryahanba cirkaas maraysay, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda u dhexeysa labadan dal inay faraha ka baxdo ayna u xuubsiibato gacan ka hadal, taas oo halis gelin karta isbahaysiga milateri ee ay xubnaha ka yihiin.

Ra’iisal wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis oo la hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u soo jeediyey dalka Turkiga inuu ku soo laabto, wax uu ugu yeedhay, caqliyadda saliimka ah ama jid macquul ah, haddii ay taasi dhici waydo oo ay Ankara sii waddo gardarradeeda, wuxuu sheegay in Giriigu ay qaadi doonaan tallaabo ay dib gacanta ugu dhigaan waxa uu ugu yeedhay, dhulkooda.

Hanjabaadda Giriiga ayaa timi ka dib markii uu Turkigu dhowaan heshiis la saxeexday mid ka mida labada maamul ee isku haya dalka Liibiya, isagoo heshiiskaasi uu dalka Turkiga fursad u siinayo inay sahamin shidaal ka sameeyaan dhul uu Giriigu u arko inuu leeyahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post