954 Views

Xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka oo kulan la qaatay Midowga Musharixiinta Muqdisho.

Xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka oo  kulan la qaatay Midowga Musharixiinta Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo uu hogaaminaayo guddoomiyaha guddigaas Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay Midowga Musharixiinta Muqdisho.

War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay iskaashiga ku saabsan hirgelinta doorashooyin daah-furan oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan murashixiinta u tartamaya labada aqal ee Baarlamanka.

Intii kulanku socday waxa laga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa daadihinta doorashooyin daah furan oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan musharraxiinta u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri warkaas.

Sidoo kale, Midowga Musharixiinta ayaa  sida qoraalka lagu sheegay  wuxu ballan-qaaday in ay taageero buuxda oo hagar la’aan ah siinayaan guddiyada doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post