243 Views

Australia oo dib uga laabatay in Qudus tahay Caasimada Israel

Australia oo dib uga laabatay in Qudus tahay Caasimada Israel
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Dowladda Australia ayaa sheegtay in hadda aysan Qudus u aqoonsanayn caasimadda Israa’iil. Go’aankaas waxaa dhaleeceeyay Israa’iil, waxaana ammaanay Falastiin.

Maamulka Australiya waxay samaynayaan isbedel dhammaystiran ka dib go’aankii dawladdii hore ee muxaafidka ah.

Maqaamka magaalada waa in aan lagu go’aamin go’aamo hal dhinac ah, dawladda cusub ee xisbiga shaqaalaha ayaa aaminsan.

– Qudus waa arin ay tahay in la xaliyo oo qayb ka ah wada xaajoodyada nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo dadka Falastiiniyiinta, ayay tidhi wasiirka arrimaha dibadda Penny Wong.

– Ma taageeri doono hab wax u dhimaya rajadan. Safaaradda Australia waxay had iyo jeer joogi doontaa oo ay sii ahaan doontaa Tel Aviv, ayay tidhi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post