1131 Views

G/Woqooyi oo shaaciyay Jadwalka Doorshada Shan kursi.

G/Woqooyi oo shaaciyay Jadwalka Doorshada Shan kursi.
____________________________________________________________________________

Isniin: February 7, 2022

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.

Guddiga ayaa shegay in Diwaangelinta Shantaani kursi oo kala ah 1-HOP#241 2-HOP#263 3-HOP#240 4-HOP#271 5-HOP#205 ay bilaaban doonto Maanta oo ay taarikhdu tahay 07 bisha Labada, sidoo kalana lasoo gabogabeeyn doono Maalinta Arbacadda ah taarikhduna tahay 09 bisha labaad.

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa sidoo kale Shaaciyay Maalinta ay dhici doonto Doorashada Shantaani kursi, iyagoona sheegay in la qaban doono Doorashada 5 kursi Maalinta Khamiista ah Taarikhduna tahay 10 Bisha Labaad 2022.

Ugu danbeeyntii Guddiga Maamulka Doorashooyinka labada Aqal ee Somaliland ayaa ku wargeliyay Ergada iyo Musharraxiinta u tartamaya kuraastan la shaaciyey iney u diyaargaroobaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post