813 Views

Midowga Musharixiinta oo taageeray Go’aankii RW Rooble

Midowga Musharixiinta oo taageeray Go’aankii RW Rooble
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 06, 2021:-Midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay, isla markaana uu billow u yahay soo celinta sumcada hay’adda NISA.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay dalbadeen n in baaritaan lagu sameeyo Taliyaha Nisa, sidoo kale qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ay u arkaan mid lagu carqaladeeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan tahliil, lagu khalqal gelinayo amniga dalka iyo doorashooyinka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Midowga Mushafixiinta oo ka kooban laba Bog ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay inay Ra’iisul Wasaaraha ku garab taagan yihiin cadaalad u raadinta Qoyska Ikraan Tahliil, arrimaha doorashooyinka iyo soo celinta sumcadda Hay’adda NISA.

Hoos  ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midowga Musharixiinta.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post