618 Views

Jowar Mohamed oo sheegay inuu marnaba ka tanaasuleyn qaddiyadda Oromada

Jowar Mohamed oo sheegay inuu marnaba ka tanaasuleyn qaddiyadda Oromada
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Xubnihi ka tirsanaa xisbiga mucaaradka ee OFC oo dhawaan xabsiga lagu soo daayey ayaa sheegay iney sii wadayaan halgankooda nabadeed ilaa ay ka xaqiijinayaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada.

Jowhar Maxamed iyo Baqale Garbaa oo tani iyo marki xabsiga laga soo daayey shirki jaraa’id ee ugu horreyey qabtay waxay sheegeen halgankooda ineysan ku ekeen raadinta xuquuqda qowmiadda Oromada balse tan shucuubta dalka Itoobiya oo dhan ay raadinayaan.

Xubnahan oo 18 bilood xabsi ku jiray oo cafis lagu sii daayey waxay dowladda dhexe ugu baaqeen iney baaritaan degdeg ah ku sameyso dilka loo geystay fannaankii qowmiyadda Oromada Hachaalu Hundesa.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen dagaalka Tigraay in la joojiyo xadgudubyada ka dhacay deegaannada Oromada, Benishangul Gumuz, Cafar iyo Amxaarada.

Jowhar Maxamed iyo Baqale Garbaa ayaa ah laba siyaasi oo ka soo jeedda qowmiyadda Oromada oo si weyn uga muuqdo siyaasadda dalkaasi Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post