570 Views

Saraakiil u geeriyootay dhaawacyo kasoo Garay dagaal shalay ka dhacay degaanka Cadakibir

Saraakiil u geeriyootay dhaawacyo kasoo Garay dagaal shalay ka dhacay degaanka Cadakibir
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

Dagaal u dhaxeeyay xubno ka titsan Al-shabaab iyo ciidanka galmudug oo shalay ka dhacay degaanka Cadakibir ayaa waxaa isasoo tagayo khasaaraha uu dhaliyay Dagaalkaasi.

Dagaalka oo yimid ka dib markii koox ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Galmudug ku leeyihiin deegaanka Cadakibir ayaa waxaa ku dhintay saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogg.

Abaanduulihii qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Allaha unaxariisto G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Gasaawe ayaa ka mid ahaa dadkii u geeriyooday dhaawac culus oo shalay kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Cadakibir kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale dhaawac soo gaaray u geeriyooday Allaha u naxariistee Taliyihii guutada 13-aad ee qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga, Cali Cagawayne, sida ay xaqiijiyeen Saraakisha qeeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug iyo weliba dagaalameyaasha Al-shabaab oo ku aadan faah-faahinta dagaalka ka dhacay Cadakibir

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post