2526 Views

Muwaadinii Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Marykanka

Muwaadinii Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Marykanka
____________________________________________________________________________

 Columbus | QOL | 20 Luulyo 2017 –Qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa xaqiijiyey dilka 3 nin oo Soomaali ah oo sadexdi maalmood ee lasoo dhaafay ay kooxo hubeysani ku dileen xaafado ka mid ah magaalada Columbus.

Sida ay sheegeen booliska magaalada Columbus, laba ka mid ah wiilasha la dilay ayaa kala ahaa Abdul kadir Ali Yuusuf iyo Mohamed Ali Mohamed.

Ciidamada Booliska waxa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano kala duwan oo ku aadan Sababta loo dilay dadkaasi Soomaaliyeed.

Dhalinyaradda la dilay ayaa qaarkood la sheegay in ka mid ahaayeen bahda waxbarashada Mareykanka.

Ciidamada Booliska wali ma caddeyn in dhacdaan ay la xariirto dil uu Sarkaal Soomaali ah u geystay haweenay Caddaan ah.

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa qoraal ay Arbacadi shalay ku shaacisay barta ay ku leedahay Facebook ku sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis aysan mas,uul ka aheyn dil la sheegay inuu uu askari Soomaali Mareykan ah uu Sabtidi u geystay haweeneey Cadaan ah oo aanan hubeysneyn.

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Columbus

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment