1062 Views

SAWIRO:-Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku-soo dhiibay Ciidanka Dowladda

SAWIRO:-Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku-soo dhiibay Ciidanka Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Sarkaalka ka  tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Maamulka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ,waxaana lagu magacaabaa Ibraahim Maxamed Adan ( Ibarhim Boolis ), waxana la sheegay in  uu ahaa Madaxa Maaliyadda iyo Sirdoonka Al-Sbaab u qaabilsanaa Degmada Bardaale.

 

Sarkaalka oo ay soo bandhigeen saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Bardaale ayaa  watay Qoriga AK47.

 

Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isxaaq Aracas ayaa faafahin ka bixiyay sida ugu soorta gashey in maamulka Degmada isku soo dhiibo.

 

“Sarakaal kan ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka soo goostay,waxaa lagu magacaabaa Ibraahim Maxamed Adan ( Ibarhim Boolis ), waxaa uu ahaa qof wax badan dagaalo ay ina dhexmareen,labo jago ayuu haayay, madixii sirdoonka iyo Maaliyadda Bardaale,nin aad looga yaqaano deegaanada ayuu ahaa,iyadoo la tixgelinayo baaqii madaxweynaha JFS ee ahaa cafiska waan soo dhaweynay”

 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isxaaq Aracas ayaa baaq u diray Dhalinyarada ka tirsan  Al-Shabaab,isagoo tixgalinayo baaqii Madaxweynaha jamhuuriyadda Fedaralka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in qof kasta oo ka soo taga Al-Shabaab ay dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment