1224 Views

Uganda oo war kasoo saartay qaraxii saaka gilgilay Kampala

____________________________________________________________________________

Talaado:  November 16, 2021

Lix qof ayaa ku dhimatay qaraxii maanta ka dhacay caasimadda Uganda, saddex kamid ah dadkaas ku dhintay weerarka waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay.

Afhayeen u hadlay booliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay in xogaha sirdoonka ay hayaan ay muujinayaan in qaraxa ay ka dambeeyeen maleeshiyaad maxalli ah oo lagu magacaabo ADF.

Wuxuu intaa ku daray in qof kale oo kamid ahaa kooxihii qaraxa ka dambeeyay la qabtay isla markaana gurigiisa laga helay jakadaha qarxa.

Afhayeenka u hadlay booliska wuxuu sidoo kale sheegay in 33 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, 5 kamid ah dadkaas ay la il-daran yihiin dhawaacyo culus.

Kooxda ADF ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii bishii lasoo dhaafay lagu qaaday Kampala.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post